Home arrow Siyaasadda | Somaliya arrow Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Nuur Cadde oo is Casiley
Halaagii Dhacay Looma Kala Harin
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:22
Date:30-11-2008
SOMALI STARZ TEAM IN SEATTLE XAWAALADA IFTIN
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:81
Date:23-11-2008
Somali Army 70´s and 80´s
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:246
Date:13-11-2008
BEST NIIKO-WAA IDILAA
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:370
Date:13-11-2008
Ciyaarah Dhaqanka Somali, Oromo, Cafar
Added by:Ali Moallim
Rating:
Views:135
Date:13-11-2008

Laanta Afka Soomaaliga

BBC
Voice of America

Polls

What type of government should Somalia have?
 
How do you rate President Abdullahi Yusuf?
 

Syndicate

Get Our News Updates
Aug 02 2008
Wasiirro ka Tirsan Xukuumadda Nuur Cadde oo is Casiley
Written by Ali Moallim   
Saturday, 02 August 2008
.

Nuur CaddeMuqdisho,(insidesoamlia.org)- Waxaa is-casilaaddooda soo qadimay 10 Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde, kuwaasi oo qaarkood ay dalka ku sugan yihiin, halka kuwo kalena ay ku maqan yihin safarro dibadda ah.

 

Wasiirrada is-casilay oo qaarkood  shir ku yeesheen Xarunta Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa shirkooda shir guddoominayay Ra'iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Waxbarashada Avv. C/llaahi Ilka-Xanaf.

 

Wasiirradan ayaa waxay is-casilaaddooda ku sababeeyeen in Fadeexad Maaliyadeed Baarlamaanka laga geeyay Xukuumadda, in aan hab sharci ah loo soo marin xil ka qaadistii Maxamed Dheere iyo aaney Xukuumadda Federaalka wax miisaniyad ah hor-geynin Baarlamaanka tan iyo markii la dhisay.

 

Wasiirrada Is casilay

 

Saalim Caliyow Ibrow,  Ra’isu wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Garsoorka

 

Caydiid C/abdulallahi Ilka Xanaf, Ra’isu wasaare ku xigeen  ahna Wasiirka Waxbarasahada iyo hiddaha

 

Muxiyidiin Max’ed Xaaji Ibraahim, Wasiirka Gaashaandhiga Dir Biimaal

 

Xuseen Ceelabe Faahiye, Wasiirka Ganacsiga, Wershadaha iyo Dalxiiska

 

Cali Axmed Jaamac Jengeli, Wasiirka Arrimaha Debada iyo Iskaashiga Caalamiga

 

Max’ed Cali Saalax Kaange, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta

 

Cabdirisaaq Ashkir Cabdi, Wasiirka Dib u heshiisiinta, Horumarinta Gobollada iyo Arrimaha Federalka

 

Cabdi Max’ed Tarra, Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta

 

Khadiijo Max’ed Diiriye, Wasiirka Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska

 

Carab Cali Diiriye  = Wasiirka Dib u heshiisiinta, hormarinta Gobolada iyo Arrimaha Federalka

 

Hadal saxaafadeed ay soo saareen Wasiirrada is-casilaadda soo gudbiyay ayaa waxay sheegeen in ay xilka sii heyn doonaan tan iyo inta laga soo magacaabayo Wasiirro kale oo bedela.

 

Is-casilaadda ay soo gudbiyeen Wasiirradan ayaa waxay ku soo beegmeysaa maalin kadib markii 32 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ay ugu baaqeen Xukuumadda Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde in ay is casisho, bacdamaa sida ay yiraahdeen ay gashay fadeexad maaliyadeed, sidoo kalena waxay is casilaaddan ku soo beegmeysaa, iyadoo uu khilaaf xoog leh soo kala dhexgalay Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra'iisal Wasaare Nuur Cadde.

 





 
Comments (0)add
Write comment
quote
bold
italicize
underline
strike
url
image
quote
quote
smile
wink
laugh
grin
angry
sad
shocked
cool
tongue
kiss
cry
smaller | bigger

busy
 
Newer news items
Older news items

<< Previous Page                    Next Page>>

< Prev   Next >